Deeq A. Posted October 22, 2020 Taliyaha ciidanka Uganda ee AMISOM Jenaraal Richard Otto ayaa sheegay in uu ku faraxay diyaar ahaanshaha iyo firfircoonida ciidanka AMISOM, isaga oo sheegay in ay sii wadayaan daciifinta ama wiiqidda awooda Al-Shabaab oo gacanta ku haya meela badan oo ka mid ah koofurta iyo bartamaha Soomaaliya. Taliyaha ciidanka Uganda ee AMISOM Jeneraal Richard Otto ayaa hadalkan sheegay xilli socdaal uu ku tegay furimaha hore ee lagula dagaalamayo Xarakada Al-Shabaab oo war ka soo baxay AMISOM lagu sheegay in taliyuhu uu soo gabagabeeyay. Socdaalkan oo ujeedkiisu ahaa u kuurgelidda iyo in la qiimeeyo horumarku ciidanka ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa Taliyaha ku wehliyay saraakiil sare sare oo ka tirsan howlgalka AMISOM. Taliyaha ayaa si gaar ah u booqday goobaha ay gacanta ku hayaan ciidanka Uganda ee uu xakumo, kuwaas ka howl gala Gobolada Banaadir, ,Shabeelaha Hoose iyo Jubbada dhexe. Taliyaha ayaa la kulmay saraakiisha joogta goobaha ay ka mid yihiin Carbiska, Ceeljaale, Balidoogle iyo magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites