Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay duleedka Beledxaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal u dhexeeyey ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya uu ka dhacay duleedka Beledxaawo.

Iska hor imaadka oo muddo kooban socday, ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwam, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay is-rasaaseyntaasi oo muddo kooban socotay, lamana oga waxa sababay iska hor imaadkaasi.

Sidoo kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa saaka ah mid degan, balse labada ciidan ayaa lagu soo warramayaa inay dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadaan halkaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Kenya ay isku farasaareen xuduud beenaadka labada dal, siiba duleedka Beledxaawo ee G/Gedo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this