Sign in to follow this  
Deeq A.

Bangiga dhexe oo beeniyey warar laga faafiyey bangiyada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka bangiga dhexe ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu kaga hadlay warar been abuur ah oo maalmihii u dambeeyey lagu baahiyey baraha bulshada.

Bangiga dhexe ayaa sheegay in wararkaasi ay baahiyeen dad leh dano gaar ah oo beegsanaya qaar ka mid ah bangiyada ku yaalla gudaha dalka.

Qoraalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in aysan jirin wax dacwad ah ama eedeyn ah oo laga gudbiyey bangi ka mid ah kuwa ka shaqeeya dalka.

Sidoo kale wuxa uu bangiga dhexe ee dalka Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan macaamiisha bangiyada u caddeeyey in wararkaasi la faafiyey ay yihiin kuwa ka fog xaqiiqda, islamarkaana aanu ka soo baxin maamulka bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso:-

c9a437da-a9a8-4358-bce9-7421894ab0e3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this