Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka kulanka uu Mahadi Guuleed la yeeshay madaxweynaha Uganda?

Recommended Posts

Deeq A.   

Kampala (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka magacaaban ee dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo gaaray dalka Uganda ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha dalkaasi, Mudane Yuweri Museveni.

Mahdi Guuleed ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinayo Marwada koowaad ee dalka Seynab Cabdi Macalin, iyada oo soo soo dhoweeyn loogu sameeyey madaxtooyada Uganda.

Ujeedka wafdigan ay u tageen dalka Uganda ayaa ah ka qeyb-galka munaasabad lagu furay shirkad ballaaran oo soo saarta Sokorta, taas oo ay leedahay haweeney Soomaaliyeed oo ganacsi ballaaran ku leh, qaar ka mid ah dalalka Barigga Afrika.

Sidoo kale wafdigan ayaa qeyb ka ah wafuud ka kala timid caalamka oo furaya warshadda Sokorta.

Marwo Aamina Xirsi Mooge oo ah haweeney leh shirkadaasi ayaa ka mid ah haweenka Soomaaliyeed oo horumarada ganacsi ka sameeyey guud ahaan Qaaradda Afrika

Soomaaliya ayey tani u tahay fursad aad u weyn, iyada oo u suurta-gelineyso inay ka soo muuqato dalalka ay haweenkooda sameeyeen horumarada ganacsi, siiba warshadaha.

WhatsApp-Image-2020-10-22-at-5.08.52-AM-WhatsApp-Image-2020-10-22-at-5.08.32-AM- WhatsApp-Image-2020-10-22-at-5.08.37-AM- WhatsApp-Image-2020-10-22-at-5.08.37-AM- WhatsApp-Image-2020-10-22-at-5.08.39-AM- WhatsApp-Image-2020-10-22-at-5.08.39-AM- WhatsApp-Image-2020-10-22-at-5.08.40-AM- WhatsApp-Image-2020-10-22-at-5.08.42-AM- WhatsApp-Image-2020-10-22-at-5.08.44-AM- WhatsApp-Image-2020-10-22-at-5.08.47-AM- WhatsApp-Image-2020-10-22-at-5.08.47-AM-

The post Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka kulanka uu Mahadi Guuleed la yeeshay madaxweynaha Uganda? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this