Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Qatar oo Qalabkeeda ka daadgureynaysa Dhismahay Muqdisho ka deganeyd 

Recommended Posts

Deeq A.   
Dawlada Qatar oo Qalabkeeda ka daadgureynaysa Dhismahay Muqdisho ka deganeyd 
 qatar.jpg

Muddo sanado ah kadib ah dowladda Qatar ayaa ka guureysa dhismo ay kiro ku daganeyd oo ku yaalla inta u dhaxeysa KM4 iyo Cabdiqaasim ee magaalada Muqdisho.

Dhismahaan oo uu ku go’naa dhagxaan iyo albaab ganjeel ah, oo waddada lagu gooyey, ayaa saameyn weyn sanado badan ku lahaa isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana sidoo kale ay si weyn hoos ugu dhigeen quruxdii wadadaas oo ka mid aheyd goobaha ugu quruxda badan Muqdisho.

Ilo wareedyo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in Qatar laga dalbaday in ay gurigaan ka guurto si loo furo wadada oo dadweynaha muhiim ah, waxeyna dagtay guri kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

“Arintaan muddo dheer ayey soo socotay, waxayna ka qeyb ka tahay olalaha lagu furayo waddooyinka magaalada, waana amar ka soo baxay madaxda sare,” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa la arkayay Qatar oo gaadiid uga qaadaneysa qalab badan oo ay ku shaqeyn jireen shaqaalaha.

Sidoo kale ciidamo halkaasi deganaa ayaa intooda ugu badan laga qaaday iyadoo dhamaan agabyadaas iyo ciidankaba loo wareejiyay xarunta cusub oo ay ka degtay Muqdisho.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this