Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo markale weerar ka fuliyey gudaha dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay ay ku qaadeen qeybo ka mid ah dalka Kenya.

Weerarka ah oo mid culus ayaa waxaa lagu ekeeyey saldhig Booliiska Kenya ay ku leeyhiin deegaanka Lafey oo hoos-yimaada magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka, kadib uu iska hor imaad toos ah ka dhacay halkaasi, kaas oo u dhexeeyey ciidamada Kenya iyo dagaalyahanadii weerarka qaaday.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay inay maqlayeen dhawaaqa rasaasta ay is-weydaarsadeen labada dhinac.

Dhanka kale war qoraal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay weerarkaasi ku dhaawaceen 3 askari, kuna bururiyeen saldhigga uu dagaalku ka dhacay.

Weli ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda Kenya oo ku aadan weerarkaas iyo dagaalka xigay.

Inta badan dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya deegaanada dhaca xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this