Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Xoogga dalka oo howl-gal ku dilay xubno ka tirsan Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Sh/Hoose.

Howl-galka ayaa waxaa laga fuliyey buundada Bariire iyo tuulada Nuungare ee gobolkaasi, halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Taliyaha ururka 143-aad ee Xoogga dalka Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howl-gakaas lagu dilay sarkaal uu magacaabiisa ku sheegay Siidow Nuur Abuu Muxsin iyo 18 dagaalame, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa shaaciyey in sarkaalka la dilay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa madaxii Jabhadda ee dhanka Gobolka Shabeellaha Hoose.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhaq-dhaqaqyo culus ka waday koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this