Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada AMISOM oo dil ka geystay gobolka Shabeelaha Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ay dil ka geysteen duleedka degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamada Burundi ee qeybta ka ah AMISOM ay toogasho ku dileen haweeney ka mid ah dadka deegaanka Buurane ee Sh/Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu yimid, ka gadaal markii ciidamada AMISOM qarax khasaare geystay lagula eegtay halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in haweeneyda la dilay ah ay korineysay caruur Agoon ah oo horey Aabahood u dishay AMISOM, sida ay sheegeen dad deegaanka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay madaxda HirShabelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan ciidamada AMISOM ayaa dil iyo dhaawac u geysta dadka rayidka ah, xilliyada ay la kulmaan weerarada qaraxyada ah, iyaga oo fura rasaas aan loo meel dayin.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this