Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil Iyo Baxrayn Oo Si Rasmi Ah U Soo Celiyay Xidhiidhkooda Diblomaasiyadeed.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Baxreyn)-Heshiiska oo Mareykanka uu gadhwadeen ka yahay ayaa lagu saxeexay caasimadda Baxreyn, ee Manama, maalintii Axadda.

Muddo tobanaan sanno ah, dowladaha carabta badankood waxay qaadaceen Israa’iil, iyagoo ku adkeysanaya inay dhisi doonaan oo kaliya xidhiidhkooda kadib markii la xaliyay khilaafka Falastiin

Baxrayn hadda waa waddankii afaraad ee carbeed ee bariga dhexe kadib markii dalalka sida Imaraadka carabta, Masar iyo Urdun ay aqoonsadeen Israa’iil tan iyo aasaaskeedii 1948.

Xidhiidhadaan diblomaasiyadeed ayaa waxaa cambaareeyay Falastiiniyiinta , waxayna ku tilmaamen mid dhabar jebin ah.

Munaasabad ka dhacday Manama fiidnimadii Axada, Baxrayn iyo saraakiisha Israa’iil waxay kala saxeexdeen xidhiidh diblomaasiyadeed oo buuxa. Labada dalna waxaa hadda la filayaa inay dib u furaan safaaraddo.

Warbaahinta Israel ayaa tabisay in dukumiintiga aysan ku jirin wax tix-raac ah oo ku saabsan khilaafka Israa’iil iyo Falastiin.

Wasiirka Arimaha Dibada Baxrayn Abdullatif bin Rashid Al-Zayani ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay inuu rajaynayo “iskaashi miro dhal ah oo dhinac walba ah in uu dhexmaro labada dal.”

Wuxuu sidoo kale ku baaqay nabadda gobolka oo ay ka mid tahay in laba dowladood ahaan loo xaliyo khilaafka Falastiin.

Kooxda Israa’iil waxay raceen dulimaad nooca El Al 973 – iyadoo loo tix-raacayo lambarka wicitaanka caalamiga ah ee Baxrayn – waxayna sii mareen hawada Sacuudi Carabiya iyagoo ruqsad gaar ah ka haysta boqortooyada. Hogaamiyaasha Sacuudiga ayaa ilaa iyo hadda diidan baaqyada in dib u soo celiyaan xidhiidhka Israa’iil.

Loolanka iyo cadaawadda gobolka ee u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Iiraan ayaa door ka ciyaaray in xidhiidhadan diblomaasiyaddadeed dib loo soo celiyo iyo colaad tobanaan sanno jirsatay oo ay uga sii dartay khilaafaadka diimeed, iyada oo Iran loo arka saldhiga awoodeed ee Shiicada Muslimka isla markaana Sacuudi Carabiya waxay isu aragtaa in ay tahay hoggaanka awoodda Muslimiinta Sunniga ah .

Heshiiska ay labada dal gaadheen madaxda Falastiin layaab ayey ku noqotay. Afhayeenka madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas wuxuu heshiiskaasi ku tilmaamay “Khiyaano”.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Falastiin ayaa dib ugu yeertay safiirkeedii u joogay Baxreyn kadib markii heshiiska lagu dhawaaqay bishii hore, bayaan ka soo baxay hoggaanka Falastiin ay waxaa lagu sheegay “dhibaatada weyn ee ay u geysaneyso xuquuqda qaran ee lama taabtaanka ah ee shacabka Falastiin “.

Israa’iil iyo waddamada carabta ee ku yalla Bariga Dhexe iyo Waqoyiga Afrika waxaa ka dhaxeeyey colaad taariikhi ah wixi ka dambeeyey marki ay Israa’iil aasaasantay 1948-kii, waxaana muddo kaddib Israa’iil heshiis la galay Masar 1979-kii iyo Urdun oo 1994-kii, iyada oo labada dhinacba ay dalka Iiraan u arkaan mid khatar ku ah gobolka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this