Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaare ka Dhashay Shil Baabuur Oo Saaka ka dhacay Jidka U Dhexeeya Berbera Iyo Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Shil baabuur ayaa Saaka ka dhacay jidka u dhexeeya Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, waxaana ka dhashay khasaare baaxaad leh.

Gaadhi weyn oo nooca Xamuulka qaada ah ayaa ku qalibmay meel ku dhow Dooxa Dacar oo ku yaalla jidka Berbera iyo Hargeysa, waxaana halkaa ku baaba’ay dhammaan Xoolihii uu siday oo Adhi ahaa iyo gaadhigii oo aad u burburay.

122139839_469581160651651_73440256576732

Gaadhiga ayaa siday boqollaal neef oo ah, dhammaantoodna Shilka ayaa ku bakhtiyeen.
illaa hadda War lagama hayo khasaare soo gaadhay Dadkii Gaadhiga la socday, Laanta Nabadgalyada Waddooyinka iyo hay’adaha Amniguna illaa hadda kama hadal

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this