Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Turkiga oo tababar u furay boqolaal askar oo Somali ah oo dagaal galaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Turkiga ayaa tababar cusub u furay boqolaal ka tirsan ciidamada militariga Soomaaliya, tababarkaas oo ka dhacaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Tababarkan, oo ka furmay xerada Turksom ee Muqdisho, ayaa waxaa la siinayaa guutada 6-aad ee ciidamada dhulka Soomaaliya, waxaana uu la xiriiraa ka hor-tagga argagixisada, sida lagu sheegay qoraay ay twitter-ka soo dhigtay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Waxaa tababarka ka qeyb-galaya 450 askari, waxaana uu soconayaa illaa bisha March ee 2021, ayada oo xafladda dhaarinta askartan ay dhacday 15-kii October.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsa dowladda federaalka Soomaaliya, safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, iyo saraakiil sare oo ciidan oo ka kala socday labada dal.

Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa guuleystay sanadihii lasoo dhaafay, iskaashigoodana waxaa ka mid ah in Turkigu uu tababaro sedax-meelood-meel ka mid ah ciidanka military-ga Soomaaliya, sida uu sheegay safiirka Turkiga u jooga magaaladda Muqdisho Mehmet Yılmaz.

Yilmax ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Anadolu “markii aan eegno wadarta guud, Turkigu waxaa uu tababarayaa sedax-meelood-meel ka mid ah ciidanka Soomaaliya, oo lagu qiyaasay 15,000 ilaa 16,000 oo askeri.”

“Iskaashiga military ee Turkigu kula jiro Soomaaliya aad ayey muhiim ugu tahay wadankaan. Waxay qayb ka tahay amniga Soomaaliya iyo la dagaalanka argagixisadda,” ayuu yiri.

Isagoo sheegaya in rajadda ugu weyn ee beesha caalamku ay Soomaaliya ka qabto ay tahay tababaridda unugyo xaqiijiya nabad-geliyadda wadanka, ayuu xusay suurta-galnimada ah in ciidanka AMISOM ay dalka ka baxaan.

Waxaa intaas dheer in uu Mehmet Yılmaz sheegtay in meelaha kale ee ay iska kaashanayaan ay ka mid tahay caafimaadka iyo waxbarashadda.

WhatsApp-Image-2020-10-18-at-16.58.13.jp WhatsApp-Image-2020-10-18-at-16.58.14-1. WhatsApp-Image-2020-10-18-at-16.58.14.jp WhatsApp-Image-2020-10-18-at-16.58.12.jp WhatsApp-Image-2020-10-18-at-16.58.13-1- WhatsApp-Image-2020-10-18-at-16.58.13-2.

The post Sawirro: Turkiga oo tababar u furay boqolaal askar oo Somali ah oo dagaal galaya first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this