Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor oo Agaasime cusub u mgacaabay madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta magacaabis sameeyey, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Qoor Qoor ayaa agaasimaha cusub ee madaxtooyada maamulkaasi ee Dhuusamareeb u magacaabay, Mudane Cusmaan Macallin Xasan oo ah aqoonyahan xirfad dheer u leh arrimaha maamulka & horumarinta dhaqaalaha.

Cismaan oo ah nin dhalinyaro ah ayaa sidoo kale sanadyadii u dambeeyey ahaa guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga Soomaaliya (SIU).

Sidoo kale waxaa digreetadan lagu shaaciyey in magacaabistan ay timid, kadib markii madaxweynuhu garowsaday baahida degdega ah ee loo qabo dardargelinta hawlaha hortabinta leh ee madaxtooyada Glamudug.

Halkan hoose ka aqriso wareegtada:

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa Md Cusmaan Macallin Xasan loogu magacaabay Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Galmudug.

Cusmaan Macalin ayaa ah aqoonyahan xirfad dheer u leh arrimaha maamulka & horumarinta Dhaqaalaha. Isagoona kasoo shaqeeyay dalka iyo dibadaba.

Wuxuu ka mid ahaa aqoonyahankii Soomaliyeed ee dadaalka mugga leh ku baxshay soo kabashada waxbarashada hoose iyo midda sare ee dalka. Isagoona sanadyadii dambe ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga Soomaaliya (SIU).

Magacaabistaan ayaa soo baxday kaddib markii Madaxweynuhu garowsaday baahida degdega ah ee loo qabo dardargelinta hawlaha hortabinta leh, isla markaana tixgeliyey kartida, aqoonta iyo waayo aragnimada masuulkan u leeyahay arrimaha maamulka & maareynta.

The post Qoor Qoor oo Agaasime cusub u mgacaabay madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this