Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoorqoor oo xil cusub magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   
Agaasime.jpg?resize=1000%2C760&ssl=1

Madaxweynaha Galmududug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Agaasime cusub u magacaabay Madaxtooyada maamulkaas.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa Cismaan Macallin Xasan loogu magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug.

Magacaabista ayaa soo baxday, sida la sheegay markii Madaxweynuha Galmudug garowsaday baahida degdega ah ee loo qabo dardargelinta hawlaha hortabinta leh.

Cismaan Macalin ayaa la sheegay inuu yahay aqoonyahan xirfad dheer u leh arrimaha maamulka iyo horumarinta dhaqaalaha, isagoona kasoo shaqeeyay dalka iyo dibadaba.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Qoorqoor oo xil cusub magacaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this