Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoonka diyaaradaha Beledweyne oo xirmay & wararkii u dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu xirmay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif, kadib markii roobab mahiigaan ah ay saacadihii la soo dhaafay ka da’een magaaladaasi.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxaa hakad galay dhammaan shaqooyinka garoonkaasi iyo howlihii duulimaadyada.

Sidoo kale roobabka ka da’ay Beledweyne oo daadad watay ayaa biyo dhigay gudaha garoonka Ugaas Khaliif oo aa in muddo ah helin wax dayac tir ah.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maanta garoonka uusan shaqeyneynin, islamarkaana ay saameyn ku yeesheen roobabkii da’ay.

“Runtii roobkii ka da’ay magaalada iyo carro ayaa xiray garoonka diyaaradaha Beledweyne maanta ma’ahan mid shaqeynaya, qofkii Xamar u socda gaari ayuu Guriceel ku tegayaa si uu diyaarad uga soo raaco,” ayuu yiri qof ka mid ah dadka Beledweyne.

Dhinaca kale mid ka mid ah mas’uuliyiinta garoonka ayaa dhankiisa shaaciyey inay wadaan howlo dib loogu furayo garoonka, isaga oo rajeeyey in 48-saac gudahood uu ku furmi doono garoonka, kadibna ay si rasmi ah u billaaban doonaan duulimaayada.

Beledweyne oo xarun gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa waxaa maalin weliba tegi jiray diyaarado dhowr oo ka bixi jiray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

The post Garoonka diyaaradaha Beledweyne oo xirmay & wararkii u dambeeyey first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this