Sign in to follow this  
Deeq A.

Saudi Arabia oo shaacisey war ku saabsan qorshaha caadiyeynta xiriirka Israel

Recommended Posts

Deeq A.   

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga Amiir Faisal Bin Farhan Al-Saud ayaa ku dhowaaqay in dalkiisa rumeysan yahay in ugu dambeyn “uu caadiyeyn doono” xiriirka Israel, waxaa sidaas weriyey Machadka Washington ee Daraasaadka Siyaasdda Bariga Dhow.

Kulan uu Machadka qaab Online ah kula yeeshay ayuu Amiir Faisal ku yiri “waxaan rumeysanahay in hadda loo baahan yahay in diiradda la saaro in Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta lagu soo celiyo miiska wada-hadalka. Ugu dambeyntii, waxa kaliya ee horseedi kara nabad iyo xasilooni waarta waa heshiiiska dhex mara Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta.”

Waxa uu sheegay in haddii aan taas lagu guuleysan in mar walba uu jiri doono dhaawac ku yaalla gobolka, ayna ka go’an tahay hanaanka nabadda.

“Nabadda, ayaan u aragnaa inay muhiim u tahay gobolka, waxayna qeyb ka tahay waxa ugu dambeyn caadi ka dhigi doono xiriirka Sacuudiga iyo Israel, sida ku xusan qorshaha nabadda Bariga Dhexe,” ayuu yiri.

Amiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Sidaas darteed, waxaan marwalba odorosaynay inay dhici doonto xiriirka Israel oo aan caadi ka dhigno, sidoo kale waxaan u baahannahay inaan helno dowlad Falastiin ah, waxaana u baahanahay inaan qorshe nabadeed u helno Falastiin iyo Israel.”

Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ayaa dhowaan noqday labadii dal ee ugu horreeyey ee ku yaalla Khaliijka ee xiriir la yeesha Israel, iyo dalalkii saddexaad iyo afaraad ee Carbeed, kadib Masar iyo Israel.

The post Saudi Arabia oo shaacisey war ku saabsan qorshaha caadiyeynta xiriirka Israel first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this