Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo maanta toogasho ku fulisay nin dilay hooyadiis

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa maanta xukun dil ah lagu fuliyey nin lagu helay kiis la xiriirxa inuu deegaanka Jalam ee gobolka Nugaal ku diley hooyadiis.

Maxkamada sare ee Puntland ayaa saaka go’aan kama dambays ah ka gaartey xukumada maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka waxaana ay dil toogasho ah ku xukuntay xukumane Faarax Cabdi Caagane, iyadoona isla maanta lagu fuliyey xukunkaasi.

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa waxaa la horkeenay eeda Faarax Cabdi Caagane oo loo haysto inuu saddex bilood ka hor dil u geystey hooyadiis Xaawo Jaamac Cabdulle oo dilkeedu ka dhacay deegaanka Jalam ee gobolka Nugaal.

Garsoorayaasha maxkamadda sare ee kiiskaan gacanta ku hayey ayaa sheegay in la horkeenay caddaymaha iyo marag muujinta in Faarax uu diley hooyadiis isagoo caafimaad qaba.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this