Deeq A. Posted October 16, 2020 Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyay ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degmada Dhoobley ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa uu si gaar ah uga dhacay degaanka Taabta oo hoostaga degmada Dhoobleey Gobolka Jubbada Hoose, sida laga soo xigtay goobjoogayaal Dagaalka ayaa yimid kaddib markii sida la tilmaamay ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada Kenya ee degaanka Taabta inkastoo aan xog sugan laga helin khasaaraha ka dhashay. PUNTLAND POST The post Dagaal ka dhacay Jubada Hoose appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites