Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal ka dhacay Jubada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyay ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degmada Dhoobley ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa uu si gaar ah uga dhacay degaanka Taabta oo hoostaga  degmada Dhoobleey Gobolka Jubbada Hoose, sida laga soo xigtay goobjoogayaal

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii sida la tilmaamay  ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada Kenya ee degaanka Taabta inkastoo aan xog sugan laga helin khasaaraha ka dhashay.

PUNTLAND POST

The post Dagaal ka dhacay Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this