Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil Uu Dhalay Madaxweyne Trump Oo Laga Helay Cudurka COVID 19

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Wiil uu dhalay madaxweyne Trump oo 14 jir ah ayaa laga helay fayraska Korona balse sida ay sheegtay marwada koowaad ee Mareykanka, Melania Trump, wiilkaasi oo lagu magacaabo Barron ayaa cudurka haatan ka bogsaday.

Melina ayaa sheegtay inay aad uga cabsatay xaaladda Barron kaddib markii laga helay cudurka Covid-19. Balse waxay intaa ku dartay in nasiib wanaag uu yahay wiil da’yar, sidaa awgeedna ayna ka muuqan astaamihii cudurkaasi.

Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa Melina ayuu hore cudurkan u haleelay balse haatan ka bogsaday.

Trump ayaa markii dambe sheegay in wiilkiisa Barron uu xanuunkani hayay muddo aad u yar isla markaana uu ka bogsaday maadaama buu yidhi difaaciisa jidhka uu aad u wanaagsan yahay.

Waxa uu intaasi ku daray in Barron uu tusaale fiican u yahay carruurta dalkaasi Mareykanka iyo sida ay adkaysiga ugu yeelan karaan cudurkaasi, sidaa awgeedna ay tahay in dugsiyadda dalka dib loo furo sida ugu dhakhsaha badan. Arrintaasi ayaa waxaa aad uga soo horjeesaday ururka midowga macallimiinta dalkaasi, kuwaa oo ku doodaya in ay suurtagal tahay in macallimiin badan ay qaadaan cudurkaasi.

Sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins, cudurka Covid-19 ayaa guud ahaan dalkaasi Mareykanka waxa uu soo ritay 7.8 milyan oo qof halka ay u dhinteen qiyaastii 216,000 oo qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this