Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibad-bax ballaran oo ka dhacay magaalada Muqdisho + ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa maanta dibad-bax ballaaran ka dhigay degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Dibad-baxayaasha oo u badnaa darawallada ka shaqeeya gaadiidka dadweynaha ayaa cabasho waxa ay ka muujinayeen jidadka weli xiran ee caasimada.

Dadweynaha dhigayaey dibad-baxaas ayaa isugu soo baxay isgoysyada Ex-control Balcad, Soos iyo xaafadda Suuqa Xoolaha.

Sidoo kale waxa ay sheegaan inay ka soo horjeedaan dhagxaanta dhowaan lagu xiray qeybo badan oo ka mid ah wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya in gaadiidka BL-ka loo ogolaado jidadka weli xiran ee muhiimka u ah.

Maalin ka hor ayey aheyd markii dowladda Soomaaliya ay ku dhowaaqay inay la furay qaar ka mid ah jidadka, gaar ahaan Makka Al-Mukaramma iyo tan Wadnaha.

Si kastaba ha’ahaatee shacabka Muqdisho ayaa saddexii sano ee la soo dhaafay ka cabanayey xirnaashaha jidadka oo ay dhagaxaan ku goysay dowladda Soomaaliya.

The post Dibad-bax ballaran oo ka dhacay magaalada Muqdisho + ujeedka first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this