Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo khafiifisay qiimaha lagu sameeyo Shahaadada bed-qabka COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa saaka oo Khamiis ah shaacisay in ay hoos u dhigtay khidmadda lagu sameeyo Shahaadada bed-qabka xanuunka COVID-19.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa lagu sheegay in $35 Dollar laga dhigay khidmadda laga qaado dadka dibadda u safraya ee doonaya Shahaadada bed-qabka COVID-19, kuwaas oo horay looga qaadi jiray lacag dhan $50 Dollar.

Waxa xusind mudan, in wasaaraddu Khidmaddaas ku bilowday $68 Dollar, balse ay $50 Dollar ka dhigtay kadib markii cabashooyin badan uga yimaadeen dadka danyarta ah ee aan awoodin in ay bixiyaan lacagta intaas le’eg.

Ha yeeshee, mar kale ayaa cabashooyin ka yimaadeen qiimaha laga qaado shahaadada bed-qabka COVID-19, taas oo keentay in wasaaraddu khafiifiso, islamarkaana ka dhigto $35 Dollar, inkastoo weli ay saa’id tahay marka loo eego degaannada kale ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo khafiifisay qiimaha lagu sameeyo Shahaadada bed-qabka COVID-19 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this