Deeq A. Posted October 15, 2020 Roobka dayrta ayaa saaka oo Khamiis ah maasheeyay dhul ballaaran oo ka tirsan Gobolka Nugaal, kaas oo dhinaca koonfurta ka xiga caasimadda Puntland ee Garoowe. Roobka oo lagu tilmaamay mid mahiiggaan ah, ayaa hiraabtii hore ee saaka ka da’ay degmada Buurtinle iyo degaannada ku teedsan oo u badan dhul miyi ah, waxaana la sheegay in uu daadad iyo qiiqalyo xooggan ku harqiyay ballida iyo dooxooyinka dhul daaqsinta leh. Meelaha roobsaday waxa kamid ah Koryaal, Jalam, Calleeli, Gosol iyo dhulka miyiga ah ee ku hareersan, halkaas oo ay buuxsameen balliyada, xurfooyinka, baraagaha, dhaalasha iyo dhammaan jadooyinka godan. Sidoo kale, xoogaa biya-dhig ah ayaa saaka ka da’ay tuulooyinka Kalabayr, Bir dheer, Ooman, Buundo, Ceel-wacayseed, iyo dhulka miyiga ah oo u badan dhinaca Hawdka ee xiga Reebanti. Roobkii saaka oo ahaa mayay curtay wax yar ka hor salaadda subax, wuxu inta badan balleeyay degaanno abaar ahaa, oo aysan hore uga di’in Roobabka dayrta, waxaana weli cirka ka muuqda cimilo roobaad. Daruuro biyaysan iyo fadad goos-goos ah ayaa meelaha qaarkood cirka ku marriiman, halka meelaha qaarna laga arko caad wata dallaalimo qabow iyo neecow diirran. PUNTLAND POST The post Roob mahiiggaan ah oo ka da’ay Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites