Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga Oo Guul-darro Kala Kulmay Codeyn Ka Dhacday Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Sucuudiga ayaa ku guul-darreystay inuu xubin ka noqdo, Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, hase yeeshee waxaa Golahan oo ka kooban 47 waddan ka mid noqday dalalka si aad ah ugu tuntay xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Ruushka.

Doorashada lagu soo xulay xubnaha cusub ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee QM oo aheyd mid qarsoodi ah, ayaa waxaa shalay ka mid noqday dalalka Bolivia, Britain, China, Cuba, France, Gabon, Ivory Coast, Malawi, Mexico, Nepal, Pakistan, Russia, Senegal, Ukraine iyo Uzbekistan. Saddex sanno ayay ka mid ahaan doonaan Golaha, waxaana muddo xileedkooda uu u billaabmi doonaa koowad bisha Jeeniwari ee sannadka 2021.

Sacuudiga oo dhaqaale xooggan ku bixiyo QM, ayay khubarradu sheegeen, inuu ku waayay kursiga uu u tartamay, dagaalka uu ka wado Yemen oo sababay masiibo bani,aadannimo tii ugu xumeyd ee aduunka lagu arko sannadihi dhawaa, iyo dilkii wariye Jamal Kashikji oo lagu eedeeyay inuu amarkiisa lahaa dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salman.

Ka mid noqoshada dalalka Shiinaha iyo Ruushka ay ka mid noqdeen Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Shiinaha, ayaa cambaareyn xooggan kala kulmay hey’adaha caalamiga ah ee xuquuqda aadanha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this