Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibedda Itoobiya Oo Weerar Culus Ku Qaaday Abiy Ahmed

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya, Seyoum Mesfin ayaa weerar afka ah ku qaaday ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, xili dib loo soo nooleeyay xidhiidhka diblumaasiyadeed ee Itoobiya iyo Eritrea.

Seyoum Mesfin oo wareysi siiyey warbaahinta ku hadasha afka Tigray-ga ee magaceeda loo yaqaano TMMA ayaa Abiy ku dhaleeceyay inuu xidhiidhka Eritrea uu dib uga jafay boodhka muddo badan oo colaad ka dhaxeysay.

Wuxuu sheegay inuu rumeysan yahay in Abiy uu u ogolaadey madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki inuu ‘kufsado’ Itoobiya, maadama uu dhawaan booqasho ku yimid dalka.

Afwerki ayaa dalka Itoobiya ku qaadanaya booqasho qaadaneysa muddo saddex maalmood ah, xili uu toddobaadkan ku yimid dowladda deriska la ah ee mudada badan uu dagaalku kala dhaxeeyay.

Seyoum Mesfin wuxuu sidoo kale Abiy Axmed ugu yeedhay ra’iisul wasaare hore, maadama uu ku doodayo inuu muddo xileedkiisa uu ka dhammaaday, isagoona ku baaqay in deg-deg loo soo dhiso dowlad ku meel-gaadh ah.

“Ka hor sannadkii 2018-kii waxaa jirtay dowlad la doortey oo waqti leh. Hadda ma jirto xukuumad lasoo doortey,” ayuu yidhi, isagoo u muuqda farta ku fiiqaya muddo kordhinta baarlamaanka u sameeyay maamulka wasiirka koowaad.

Dhawaaqa Seyoum ayaa u muuqda mid sii xoojinaya soo jeedin dhawaan ka timid xisbiga uu ka tirsan yahay ee gobolka Tigray-ga ka taliya.

Doorashooyinka Itoobiya oo ku mudeeysneyd bishii August ayaa dib u dhac ugu yimid sababo la xidhiidha cudurka Coronavirus, midaasi oo khilaaf xooggan ka dhex abuurtay hogaamiyeyaasha siyaasada Itoobiya, taasi oo laga cabsi qabo inay burbur hor leh u horseedo dalka Itoobiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this