Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid Kamid Ah Jilaayadii Ugu Caansanaa Dunida Carabta Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Masar)-Maxamuud Yaasiin oo ahaa jilaa caan ah oo aad loo jeclaa ayaa ku dhintay gudaha waddanka Masar, waxa uuna magac weyn ku lahaa dunida Carabta oo dhan waxa uu ku geeriyooday da’da 79 sanno.

Waxa uu ahaa xiddig rug caddaa ah oo ku wanaagsan sameynta Aflaanta iyo majaajiladda.

Sanadkii 1942-dii ayuu ku dhashay magaalada Port Said, ka hor inta aanu noqon Jilaa wuxuu bartay sharciga, hase-ahaatee kuma shaqeyn.

Hase-ahaatee xirfadda jilaanimada ayuu ku biiray sanadkii 1960-dii , sida lagu qoray wargeysyada kasoo baxa Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Maxamed Yaasiin wuxuu dowr jilliin ah ku lahaa in ka badan 150 film , halka 60 musalsallo telefashinno ka baxay uu ka qeyb-qaatay. Taas ayaa dhaxal siisay inuu caan ka noqdo gudaha waddanka Masar.

Geeridiisa ayaa waxaa aad uga tacsiyeynaya bulshada Carabta, waxayna ku tilmaamayaan “inuu yahay qof aad loo jeclaa oo ay ciidda qarin doonto”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this