Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shaaciyey dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisal wasaaraha xukuumaddda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno ka tirsan labada Gole,ayaa manta ka qeybgalay kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho oo looga hadlay kaalinta culumada ee ka hortagga Al-Shabaab, nabadenta iyo dib u heshiisiinta dalka.

Hadal uu kulankaasi ka jeediyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble,waxa uu xusay dhibaatadii ka dhacday isgoyska Soobe ee 14-kii Oktoobar iyo saeynta ay ku yeelatay bulshada,isagoo culumada ugu baaqay in ay xoogga isugu geeyaan sidii looga  fogaan lahaa fikirka qaldan ee xag-jirka.

Ra’iisal wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ,ayaa ka dhawaajiyay in dowladdu ay u howlgaleyso xoojinta xiriirka ka dhexeeya ciidamada iyo shacaka,isla markaana  la sameyn doono kormeerro joogto ah oo qeyb ka ah habsami u socodka waxqabadka ciidamada.

Ra’iisul Wasaare Rooble,waxa caddeeyay in xukuumaddu ay la imaan doobto dib u habeyn xagga istraatiijiyadda ah oo lagula  dagaalami doono Al-Shabaan.

Rooble, waxa uu faray culimada  in ay ka shaqeeyaan raadinta nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Dalka ,isla markaana ay gacan ka geystaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Kulankaan oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Aw-qaafta XFS iyo maamulka xarunta Madaxtooyada,waxaa lagu qabtay xarunta Tiyaatarka,iyadoo ay sidoo kale ka qeybgaleen qeybaha culumada ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this