Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF Soomaaliya oo ciidamo hor leh geysay xadka ay la wadaagto Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Caasimada Online) – Dowladda federaalka ayaa markale ciidamo hor leh u dirtay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo saacadihii la soo dhaafay ka dagay garoonka diyaaradaha degmada Duulow ee gobolkaasi.

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa kumaandooska Gorgor ee sida gaarka ah u tababaran ayaa waxaa garoonka Doolow ku soo dhoweeyey saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa nabad-sugida ee ka howl-gala gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay ku wajahan yihiin xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan degmooyinka Beledxaawo iyo Ceelwaaq.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadaas ay ku biiri doonaan kuwa dowladda ee horey u joogay labaasi magaallo.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda la geeyey xadka Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan degmada Beledxaawo.

Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadayo, iyadoo bishii la soo dhaafay is-rasaaseyn kooban ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ku dhexmartay xuduuda labada dal, taas oo digniin iyo hanjabaad ay kasoo saartay Kenya.

3-9-696x464-2.jpg 4-7-696x464-1.jpg 1-13-696x464-1.jpg

 

The post Sawirro: DF Soomaaliya oo ciidamo hor leh geysay xadka ay la wadaagto Kenya first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this