Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo xustay Sannad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay Musiibadii Soobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee UNSOM, ayaa maanta oo Arbaco ah xusay Sannad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay 14-kii October 2017, markaas oo uu Soomaaliya ka dhacay Qaraxii ugu khasaaraha badnaa Taariikhda Afrika.

Qoraal ka soo baxay xafiiska wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay maanta xustay Dhibbanayaashii weerarkii foosha xumaa ee Muqdisho ka dhacay 14-kii October 2017.

Arxan-darradii waxashinimada ahayd ee weerarkii 14kii Oktoobar 2017 lama iloobin, waxaana murugada la qaybsanaynaa qoysaska dadkii naftooda ku waayay, iyo sidoo kale dadkii ka badbaaday,” ayuu yiri Mr Swan.

Dadka Soomaaliyeed ayaa weli xasuusan, Musiibadii banii’aadanimo ee ka dhalatay Qaraxii Soobe, kaas oo maalin Sabti ah 14-kii October 2017 ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, islamarkaana ay ku dhinteen ku dhowaad lix boqol oo ruux, halka boqollaal kalena ku dhaawacmeen.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo xustay Sannad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay Musiibadii Soobe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this