Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump Oo Dalbaday In Ciidanka Mareykanka Laga Soo Saaro Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa waxaa uu sheegay inuu doonayo in Ciidanka Mareykanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya laga soo saaro, sida ay shaaciyeen qaar kamid ah La-taliyaashiisa.

Warar kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in bishii September 2020 kulan gaar ah oo ka dhacay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ay Madaxda dowladda dowladda Soomaaliya iyo Taliska AFRICOM ay uga wada hadleen arrimo ku aadan Ciidanka Mareykanka.

Mareykanka ayaa taakuleyn sare siiya ciidamo ay maamulaan oo ku sugan gudaha Soomaaliya, gaar ahaana Koonfurta oo ay taageero iyo howlgaladaba la fuliyaan Ciidanka Xoogga dalka ee DANAB iyo Puntland oo ay mudo dheer caawinayeen ciidanka PSF.

Ilaa 700 oo askari oo Mareykan ah ayaa ku sugan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo tababara ciidmaada Soomaaliya, isla markaana waxaa ay xarumo ku leeyihiin qeybo kamid ah dalka.

Sidoo kale Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa duqeymo diyaaradeed ka fuliya gudaha dalka, kuwaasi oo inta badan la beegsada Saldhigyo iyo fariisiyo ay leeyihiin Al-shabaab, waxaana duqeymaha qaarkood lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Bixitaanka ciidamada Mareykanka ayaa la sheegey in ay qayb ka tahay Ololaha doorashada ee Madaxweyne Trump oo ah in ciidamada Ameerikaanka ee daafaha dunida jooga dib loo celiyo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this