Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay 79 tan oo maado Qaraxyada laga sameeyo ah iyo Shakhiyaadkii watay

Recommended Posts

Deeq A.   
Sawir-hore-1.jpg?resize=696%2C522&ssl=1Kani waa Sawir hore

Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA, ayaa saaka oo Arbaco ah shaacisay, in ay gacanta ku dhigtay 79 tan oo maadada Sulfuric Acid (H₂SO₄) oo loo adeegsado samaynta Qaraxyada.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee hay’adda NISA, ayaa lagu sheegay in sidoo kale la qabtay shakhsiyaadkii dalka soo geliyay maadada, kuwaas oo doonayay in ay u gudbiyaan Al-shabaab.

Baaritaanka maadadan waxa ka wada-shaqaynaya NISA iyo hay’adaha ay iska kaashadaan La-dagaallanka Argagixisada sida lagu caddeeyay Qoraalkaas.

Sidoo kale, NISA waxay sheegtay in Sharciga la marin doono shakhsiyaadka lagu qabtay maadada ‘H₂SO₄’ oo doonayay in ay u gudbiyaan Al-shabaab, si ay qaraxyo uga samaystaan.

NISA.jpg?resize=714%2C834&ssl=1

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise

The post Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay 79 tan oo maado Qaraxyada laga sameeyo ah iyo Shakhiyaadkii watay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this