Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Rooble oo Beesha Caalamka kala hadlay arrimaha doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey habsami-u-socodka hannaanka doorashooyinka iyo dhameystirka dib-u-eegista dastuurka.

Shirka ayaa lagu boggaadiyey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray hannaanka doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka ah fulinta qodobadii kasoo baxay shirkii Madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee lagu heshiiyey in dalka ay ka dhacaan doorashooyin ku qabsooma waqtigooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shirka kusoo bandhigay sida ay uga go’an tahay Xukuumaddiisa fulinta qodobadii lagu heshiiyey ee ahaa in dalkan ay ka dhacdo doorasho xasilloon, isla markaana ay si caadi ah u socon doonaan howlaha dowladda xiliyada doorashada.

Mudane Rooble ayaa xusay in laamaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ay u diyaarsan yihiin dardargelinta fulinta qorshaha amniga codbixiyeyaasha, musharixiinta iyo maamuleyaasha doorashooyinka ee ku sugan goobaha codbixintu ka dhacayso.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this