Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar sarkaal lagu dilay oo ka dhacay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa, ayaa ku warramaya in xalay halkaasi lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Milateriga Maamulka Somaliland.

Dabley hubaysan ayaa fiidnimadii Xalay gudaha Hargeysa ku toogtay sarkaalka, oo aan weli magaciisa la shaacin.

Marxuumka waxa lagu toogtay aga’gaarka Xerada Warshadda Kabista Hargeysa, waxaana goobta isaga baxsaday dableeydii weerarka gaystay.

Booliiska Somaliland oo dilka kadib hawlgal ka sameeyay xaafadaha Hargeysa, ayaan weli ku guulaysan in gacanta lagu dhigo kuwii dilka gaystay.

PUNTLAND POST

The post Weerar sarkaal lagu dilay oo ka dhacay Hargeysa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this