Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay fuliyeen koox hubeysan oo ka dhacay wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu qaaday gaari nooca ay Soomaalida u taqaano Hoomeyda, xilli uu marayey deegaanka Garsaaley ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in gaarigaas uu ka soo amba-baxay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, islamarkaana ay la socdeen dad shacab ah.

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe iyo kan HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana goobta uu weerarka ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this