Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo dhagxaanta ka qaaday qaar ka mid ah jidadka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa inta badan xalay dib loo furay jidadka muhiim ka ah ee magaalada Muqdisho kuwaas oo laga qaaday dhagxaanta ay horey ugu xirtay dowladda Soomaaliya.

Isgosyada laga qaaday dhagaxaanta waxaa ka mid ah Sanca, Jardiinka, Siinaay Folorenza, Bakaaraha, Sheekh Cali Suufi, Tarabuunka & Seybiyaano.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhagxaanta laga qaaday isgoys-yadaasi lagu xiray kuwa kale oo ku yaalla wadada Warshadaha, sida isgoyska Ifka Xalane, xaruntii Telefishinka oo u dhow isgoyska Miisaanka Dhuxusha iyo meelo kale.

Muddo ka badan saddex sano shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka cabanayey xirnaashaha wadooyinka oo saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this