Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ganacsatada Cadaado oo dibad-bax ka dhigay magaaladaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Ganacsatada ku dhaqan magaalada Cadaado oo maanta shaqo joojin sameeyey ayaa dibad-bax ka dhigay gudaha magaaladaas oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Banaan-baxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa ay ganacsataduu uga soo horjeedeen canshuuro dheeraad ah oo ay ku soo rogtay wasaaradda maaliyadda Galmudug.

Sidoo kale qaar ka mid ah dibad-baxayaasha ayaa sheegay in aysan bixin karin lacaga dheeraadka ah ee lagu soo rogay, islamarkaana ay dalbanayaa in laga dhaafo.

Arrintan ayaa saameysay dadka deegaanka, maadaama albaabada la’isugu laabay goobaha ganacsiga magaalada Cadaado ee xarunta baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

2-10 1-12

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this