Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo lagu eedeeyey inay ku fashilantay ka hortagga Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Cabdikariin Cismaan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ee laga soo doorto deegaanka Fafi ee Gaarisa ayaa eedeyn kulul u jeediiyey ciidamada Booliiska dalkaasi.

Cabdikariin Cismaan ayaa tilmaamay in ciidanka Booliiska Kenya ay ku fashilmeen in ay ka hortagaan weerarada A-Shabaab ay ka geystaan deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari.

Xildhibaanka ayaa sheegay in daciifnimada Booliiska loogu talay-galay ilaalada xuduudaha ay sababtay in Al-Shabaab ay gudaha wadankaasi ku qaado weeraro khasaare geystay.

Sidoo kale wuxuu ciidamada ku eedeeyey in ay ku lug lahaayeen gudbinta badeecooyin sharci darro ah oo isaga kala gudbay xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Ugu dambeyn xildhibaanka ayaa ku baaqay in la qoro ciidamo dheeraad ah, si loo xaqiijiyo amniga deegaanada ku yaalla xadka labada dal.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this