Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiye Fiqi oo ka qeyb galay barnaamij laga daah-furay Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Dr, Mudane Cali Saciid Fiqi ayaa maanta magaalada Baydhabo uga qeyb-galay barnaamij lagu daah-furayey ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda qorsheynta maamulkaasi.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galey wasiirka qorsheynta Koonfur Galbeed, qaar ka mid ah wasiirada, gudigga mashruuca xasaradaha iyo agaasimayaasha guud ee wasaradaha qarkooda.

Ugu horeyn waxaa ka hadlay shirka Cali Xaaji Aadan oo ah guddoomiyaha mashruuca isagoona soo hadal qaadey dadaalka lagu gaarey in mashruuca heerkan uu soo gaaro.
Wasiirka wasaaradda qorsheynta Koonfur Galbeed Axmed Madoobe Nuunow ayaa dhankiisa sheegey in mashruucan Koonfur galbeed uu muhiimada  u leeyahay isagoona soo dhoweeyey fulinta barnaamijkan.

Ugu dambyen gudoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Dr, Cali Saciid Fiqi ayaa dhankiisa waxaa uu aad uga hadlay saameynta abaaraha soo noq-noqdey iyo fatahaadaha taas oo uu sheegey inay muhim tahay in laga hortaggo , wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhibaatada ugu badan ka imaaneyso is-badelka cimilada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this