Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil khasaare kala duwan geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil geystay khasaare kala duwan oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Shilka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen labo Mooto Bajaaj oo si xawli ah ku socday xilli ay marayeen wadada Janaraal Daa’uud degmada Boondheere.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay shilkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 2 kale, kuwaas oo kala saarnaa labada mooto ee isku dhacay, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale waxaa gurmad deg-deg ah u fidyey dadkii ay waxyeelada soo gaaray shacab ka agdhowaa goobta uu shilku ka dhacay.

Inta badan waxaa Muqdisho ka dhaca shilal gaari, waxaana loo sababeeyaa darawallada oo si xawli ah u kaxeeya gaadiidka, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gudah caasimadda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this