Deeq A. Posted October 11, 2020 Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa dowladda la geeyey xadka Soomaaliya & Kenya. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in dhaq-dhaqaaqyo cusub ayka bilaabeen halkaasi. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Gedo, Ismaan Nuur Xaaji (Macalimu) ayaa sheegay in ciidamadaas ay sugi doonaan amniga xadka labada dal. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamadaasi ay yihiin kuwo horey uga howl-galayey qaar ka mid ah degmooyinka gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyadan cusub ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Kenya ay xad-gudubyo ka geysanayeen deegaano ka tirsan gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites