Sign in to follow this  
Deeq A.

Dil ka dhacay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa caawa lagu dilay nin rayid ah oo lagu magacaabo Siciid Jaamac Maxamed, loona garan-ogaa (Siciid Maradona).

Marxuumka ayaa la dilay isagoo ku dhexjira masjidka Abuu Hurayra ee xaafada Israac, salaadii maqrib kadib, sida ay saraakiil ka tirsan Booliska u xaqiijiyeen warbaahinta Puntland Post.

  • FB_IMG_16023473098572467.jpg?resize=640%Marxuumka la dilay

Dilka ayaa la sheegay inuu geystay nin dhallinyaro ah oo ku hubeysan baaskoolad, kaas oo baxsaday.

Marxuum Siciid Maradona ayaa ahaa taksiile caan ah oo ka dhexshaqeyn jiray magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo.

Ciidamada amniga Puntland ayaa hadda magaalada Gaalkacyo ka wada howlgal lagu baadigoobayo ciddii geysatay dilkaas.

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii ugu dambeeyay amnigeedu ahaa mid wanaagsan.

PUNTLAND POST

The post Dil ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this