Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ra’iisul wasaaraha XF oo la kulmay saraakiisha Booliiska

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo hoggaanada taliska, isagoo ku boorriyay inay dardar-geliyaan howlaha lagu sugayo ammaanka guud Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka.

Ra’iisul Rooble ayaa kula dardaarmay saraakiisha booliska Soomaaliyeed in kor loo qaado sugidda amniga dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay ku helaan ammaan buuxa.

“Waa in qofku amni ku helo gurigiisa, isagoo kalsooni u qaba ciidanka Booliska, si aad taasi u suuro-gelisaan dowladdu waxay idin la garab taagan tahay wixii taageero ah ee aad u baahan tihiin.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Mudane Rooble ayaa faray saraakiisha ciidanka in xal loo helo dambiyada ay ka mid yihiin: dhaca, dilka iyo kufsiga Haweenka ee kooxaha burcada ah ay u geysanayaan bulshada kuwooda nugul.

Ra”iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

t.jpgx.jpg

B.jpg d-2.jpg j-2.jpg q-1.jpg r-1.jpg s.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this