Deeq A. Posted October 10, 2020 Waxaa maanta magaalada Muqdisho la keenay meydkiisa ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr. Marxuumka ayaa 8-ddii bishan waxaa uu xanuun aan la garaneyn waxaa uu ugu geeriyoodey magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Itoobiya. Markii meydkiisa la keenay waxaa dadkii salaadda janaasada ku tukaday ka mid ahaa madaxweynaha Soomalaiya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ra’isul wasaare Rooble, qaar ka tirsan goleyaasha fulinta iyo sharci dejinta iyo dadweyne kale. Janaasada oo lagula dukaday gudaha Airporka kadib waxaa loo gulbiyey qabuuraha si loogu soo aaso. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites