Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Lafta Gareen oo qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka u ah Koonfur Galbeed kulan kula qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed iyo wafdi uu hogaaminayey oo ay qeyb ka ahayeen Guddoomiye ku xigeenka Wakiilka Koonfur Galbeed Hay’adda Batroolka u qaabilsan oo shalay Baydhabo gaaray.

Qasriga Madaxtooyada oo ka qabsoomay kulanka ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed soo dhoweyey wafdiga, waxaana uu ka dhagaystay  Qorshaha safarkooda Baydhabo iyo hawlaha uga degsan soo saarida Batroolka si kheyraadka Batroolka looga Faa’iideeyo bulshada Soomaaliyeed qeynba uga qaato kobcinta dhaqaalahana dalka.

Eng Ibraahim Cali Xuseen Guddoomiyaha Guddiga hay’adda Batroolka ahna Mareeyaha hay’adda ayaa warbixin ku saabsan safarkooda Baydhabo ka siiyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis (Lafta gareen) waxaana uu sheegey inuu yahay Safar ay ku xoojinayaan wada shaqaynta Wasaaradda Batroolka Koonfur Galbeed iyo Hay’adda si siwadajir ah looga qeyb qaato soo saaridda Batroolka Dalka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa uga mahadceliyey Guddiga Hay’adda Batroolka ee Socdaalkooda ugu horeya ee Baydhabo ay ku imaadeen,  taasi oo muujinaysa dadaalada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso soo saaridda kheyraadka ku jira deegannada Koonfur Galbeed, waxaana uu ku bogaadiyey muhiimadda Dalka ay uleedahay soo saaridda kheyraadka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

6cda480c-e0f1-4fde-84af-4e47c220cfa7.jpg 2331fa1a-061c-4c01-9b9c-3aaedfd1590d.jpg bce70410-eeba-4511-91b6-0e55b45e30c3.jpg e050ba14-5b69-4f3b-9281-87c6c9321125.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this