Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo mar kale amar culus kusoo rogtay ajaaniibta ka dhoofeysa garoonka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa mar kusoo rogtay dadka ajnabiga ah ee ka dhoofaya garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday wasaaradda caafimaadka.

Amarka kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in qof kasta oo ajnabi ah oo ka dhoofaya garoonka Aadan Cadde looga baahan yahay inuu sito shahaadada caddeyneysa in laga baaray cudurka Coronavirus, islamarkaana laga waayey.

Amarkan ayaa la rumeysnaa inuu horey u jiray balse ma cadda sababta mar kale ay dowladda usoo saartay maanta.

Qoraalka ayaa dadka lagu amray inay warqadda kasoo qaataan 7 shaybaar oo dowladda ay qandaraas siisay oo ku yaalla caasimadda, waxaana laga qaadayaa 30 dollar qofkiiba.

Shahaado kasta oo qofka dhoofaya uu sito ayaa waxaa kadib lagu xaqiijin doonaa sax ahaanshaheeda xarun ay wasaaradda ku dhex leedahay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Hoos ka aqriso amarka dowladda.
Ej-AcwQXsAU3dVY.jpeg

The post DF oo mar kale amar culus kusoo rogtay ajaaniibta ka dhoofeysa garoonka Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this