Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo la kulmay Maareeyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
1-6.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka u ah Koonfur Galbeed kulan kula qaatay Maareeyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo halkaasi gaaray.

Xarunta Madaxtooyada oo ka qabsoomay kulanka ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed soo dhoweyey wafdiga, waxaana uu ka dhegaystay  Qorshaha safarkooda Baydhabo iyo hawlaha uga degsan soo saarida Batroolka, sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Mareeyaha hay’adda Eng Ibraahim Cali Xuseen ayaa warbixin ku saabsan safarkooda Baydhabo ka siiyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis (Lafta gareen) waxaana uu sheegey in uu yahay Safar ay ku xoojinayaan wada shaqaynta Wasaaradda Batroolka Koonfur Galbeed iyo Hay’adda si wadajir ah looga qeyb qaato soo saaridda Batroolka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa uga mahadceliyey Guddiga Hay’adda Batroolka Socdaalka ay Baydhabo ay ku tageen, waxaana uu ku bogaadiyey muhiimadda dalka ay uleedahay soo saaridda kheyraadka .

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Koofur Galbeed oo la kulmay Maareeyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this