Sign in to follow this  
Deeq A.

Marxuum Cali Khaliif Galaydh oo aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
9.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda janaasada ku tukaday, Alle ha u naxariistee, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii Kumeel-gaarka ahayd Marxuum Cali Khaliif Galeyr, oo aas qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho.

Diyaaraddii sidday Maydka Marxuum Cali Khaliif Galeyr ayaa markii ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaa naxashka marxuumka oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Aaska kaddib si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen Janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa hoygiisa ka yeello.

Aaskan Qaran ee loo sameeyay Marxuum Cali Khaliif Galeyr, waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda PuntlandAxmed Cilmi Cismaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed, Wasiiro, Xildhibaano, Ehelada Marxuumka, Odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

9.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 8-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 7-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 6-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 5-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 4-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 3-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 2-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 1-7.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Marxuum Cali Khaliif Galaydh oo aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this