Sign in to follow this  
Deeq A.

Magacyadda Siyaasiyiin Laga Saaray Liiska Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Magacyadda Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Kulmiye ee laga reebay liiska Golaha Dhexe ee Xisbigaas.

Waxay isugu jiraan kuwo ay Madaxwaynaha isa seegeen iyo kuwo kale

Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbul-xaakimka KULMIYE ayaa waxa laga reebaysiyaasiyiin muddo dheer ka mid ahaa Xisbigaasi.


Wali lama soo saarin liiska rasmiga ah ee Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, haseyeeshee ilo xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in liiska Xubnaha Golaha dhexe ee la gudbiyay laga saaray siyaasiyiin ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirkii hore ee Qorshaynta Maxamed Ibraahim Aadn Qabo, Wasiirkii hore ee Macdanta Eng Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdilahi Ibraahim Habbane, Wasiirkii hore ee Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse, Xiodhibaan Cabdilahi Balaaki, Siyaasiga Maxamed Iid Dhimbiil iyo Safiirka Somaliland ee Dalka Kenya Baashe Cawil Xaaji Cumar.

Lama oga sababta Golaha dhexe looga saaray xubnaha kor ku xusan, maddaama oo aanay jirin meel ay ku sheegeen inay iyagu ka bexeen Xisbiga, marka laga reebo siyaasiyiin hore u dhaliilay hoggaaminta Madaxwaynaha ee Xisbiga KULMIYE.

Siyaasiyiinta laga reebay Golaha dhexe ee Xisbiga ayaan weli intooda badani ka hadal, marka laga reebay Siyaasi Maxamed Iid Dhimbiil oo cambaareeyay.

Geeska Afrika

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this