Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo ciidamo dheeraad ah u soo direyso Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Kenya ayaa diyaarineysa ciidamo badan oo ay u soo direyso Soomaaliya, sida lagu sheegay war qoraal ka soo baxay guddiga sare ee dowladda Ingiriiska.

Ciidamadaasi oo tiradoodu ay gaareyso illaa iyo 600 oo askari ayaa waxaa tababaro gaar ah ku siinaya magaalada Samburu malateriga Ingiriiska.

UK ayaa Kenya ka taageerta tababarada dhinaca ciidamada, si ay qayb ugu noqdaan deganaanshaha iyo ammaanka bariga Afrika.

Ciidamada cusub ayaa la filayaa in ay qayb ka noqdaan howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Julius court oo ah sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in Midowga Afrika ay ka caawinayaan ka hortagga colaadaha ee Qaarada Afrika.

Lama sheegin xilliga rasmiga ah ee ciidamada ka socda Kenya ay soo gaari doonaan Soomaaliya.

Howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga kumanaan askari oo ka kala socda dalalka Uganda, Burundi,K enya ,Ethiopia iyo Jabuuti

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this