Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo qarax lagula eegtay gobolka Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM qarax lagula eegtay deegaanka Shalanbood ee gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada lala bartilmaaneedsaday xilli ay ku socdaalayeen wadada isku xirta Shalanbood iyo magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada la qarxiyey oo ahaa kuwa Uganda ee qeybta ka ah howl-galka nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya ayaa waxyeelo kala duwan ay ka soo gaaray, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Al-Shabaab ayaa dhinaca kale war ka soo saartay weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday, waxaana ay shaacisay inay ku dishay illaa 2 askari, sida ay hadalka u dhigtay.

Qoraalka Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in qaraxa uu dhacay, xilli ay miino baaris wadeen ciidamada AMISOM.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo la xiriira qaraxaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan ku qaada ciidamada huwanta ee ka howl-gala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this