Sign in to follow this  
Deeq A.

Maandooriye loo soo waday Muqdisho oo lagu gubay Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada amnaanka magaalada Beledweyne ayaa meel fagaaro ah ku gubay maandooriyaal badan oo dhawaan ay soo qabteen ciidamada Booliska kuwaas oo loo waday magaalada Muqdisho waxaana laga keenay wadanka Etoobiya.

Goobta lagu gubayey maandooriyaha waxaa ku sugaa gudoomiyaha maxkamadda rayidka gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Muxumed Taakoy, Duqa magaalada Belaeweyne Nadar Tabaax Maalin iyo taliska Booliska gobolka Hiiraan.

Taliyaha Saldhigga Booliska Beledweyne Laba Xidigle, Maxamed Maxamuud Qoorsheel ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay howl-gal ay sameeyen ku soo qabteen maandooriyaha iyo ninkii waday oo goobta lagu soo bandhigay.

Guddoomiyaha maxkamadda rayidkaa Gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Muxumed Taakoy ayaa amaanay ciidamada Booliska ee gacanta ku soo dhigay qamriga waxaana uu tilmaamay in sharci adag la marsiin doono ciddii lagu soo qabto arrintan.

Duqa Beledweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa ugu baaqday ciidmaada ammaanka in ay laba jibaaran howl-gallada lagula dagaalamayo maandooriyaha.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska Beledweyne Korneyl Isaaq Cali Cabdulle ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka fool jignaadaan ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyaha, waxaana u mahadciliyey ciidamadii iyo saraakiisha gacanta kusoo dhigay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this